4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Mas’uuliyiin ka qeyb-gashay qalin-jabinta 577 Ardey oo ka baxday Jaamacadda Banaadir


Khamiis, November, 15, 2018 (HOL) – Xaflad ballaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey boqolaal arday oo ka qelin jebisay Sagaal ka mid ah 11-ka kuliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir, labada gole ee baarlamanka Somalia, qeybaha kala duwan bulshada, fanaaniin, waalidiin, arday, wakiilo ka socday heyaddo kala duwan iyo marti sharaf kale.

Intii ay munaasabadan socotay ayaa koox ka tirsan fanaaniinta Soomaaliyeed waxay ku soo bandhigeen suugaan kala duwan oo isugu jirtay heeso guubaabo ah iyo riwaayad ka turjumeysay qiimaha waxbarashada.

Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin faraxadeed uuna u hambalyeynayo ardayda qelin jebisay isagoo dhinaca kale ku dheeraaday asaaska jaamacada marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo qorsheyaasha ay higeysaneyso mustaqbalka.

“Maanta waa maalin xusuus mudan, waxaana naga qelin jebineysa 577 aqoonyahan, 238 ka mid ay waa dhaqaatiir waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda Caafimaadka Soomaliyeed, waxaa kaloo maanta naga qelin jebiyay 111 ka baxay kuliyadda dhaqaalaha iyo Maamulka, 80 kuliyadda Injineeriya, kuliyada shareecada iyo qanuunka waxaa ka aflaxay 15 aqoonyahan, Kulliyadda Beeraha 36 aqonyahan, Kuliyadda xanaanada xoolaha 31 aqoonyahan, kuliyadda waxbarashada 8 aqoonyaahan, kuliyadda kombiyuutar Sayniska 16 aqoonyahan, kuliyadda culuunta Caafimaadka 42 aqoonyahan oo isugu jira umulisooyin iyo kalkaaliyeyaal iyo kuliyada beeraha oo ay ka soo baxeen 36 aqoonyahan” ayuu yiri gudoomiye Dalmar oo mustaqbal wanaagsan u rajeeyey ardayda qelin jebisay.

Guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee aqalka sare ee Somalia Senator Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa isna sheegay in 238 dhaqtar ee ka qelin jebiyay kuliyadda dhaqtarnimada ay yihiin kuwii ugu badnaa abid ee isku mar ka qelin jebiya Jaamacad Soomaaliyeed taasina ay astaan u tahay horumarka ay Jaamacadda Benadir ku talaabsatay mudada ay jirtay wuxuuna hambalyo u diray ardayda qelin jebisay isagoo u mahad celiyey madaxda xafladan kala soo qeyb gashay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ugu dambeyn khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray ardayda qelin jebisay oo uu sheegay in looga fadhiyo ka qeyb qaadasha dib u dhiska dalkooda.

“Dal kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri gudoomiye Yariisow oo balan-qaaday in maamulkiisu uu gacan ka geysanayo sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada dhameysatay jaamacadaha dalka, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey Maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Benadir oo ku soo dedaalay ardayda aflaxday.

Intii munaasabadan ay socotay ayaa waxaa Hadalo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Banaadir C/raxmaan Xasan Cumar, Hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Max’ed Max’uud Biday, xildhibaan Cali Balcad oo ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia horeyna u soo noqday agaasimaha Madaxtooyada iyo xubno kale.

Guddoomiyhaa gobolka Banaadir ayaa ugu daneyntii Eng Yariisow iyo madaxdii kale ee munaasabadan goob jooga ka ahaa waxay shahaadooyin gudoonsiiyeen ardaydii ka qelin jebisay kuliyadaha Jaamacadda Banaadir, waalidiin iyo shaqsiyaad kale, waxaana xafladaas ay ku soo dhamaatay jawi aad u farxad badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]