4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Muqdisho: Xukun lagu riday rag lagu eedeyay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-   Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday labo nin oo lagu helay inay ka tirsanyihiin kooxda al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka ,G/ Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u sheegay in raggan maxkamadda lasoo taagay ay u qaabilsanaayeen ururka al-Shabaab tuurista Bambooyinka iyo kireynta guryaha ay deggaan  xubnaha ka tirsan kooxda  ee magaalada Muqdisho  dhexdeeda ku yaalla.

Ragga la xukumay ayaa kala ah,Xuseen Daa’uud Cali oo 23 sano jir ah , waxaa lagu xukumay 15 sanno oo xabsi Ciidan ah iyo Cabdullaahi Maxamed Axmed oo 34 sano jir ah, waxa isna maxkamadda ay ku riday xukun hal sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa shaacisay in raggan ay fursad u heystaan inay dalbaadan racfaan haddii aysan ku qancin xukunka maxkamadda Darajada Koowaad.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]