4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo sagootiyay Amb. Olgan Bakar

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-   Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo haddiyado guddoonsiiyay safiir Olgan Bakar ayaa uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay.

"Waxa aan maanta kulan sagootin ah u sameeyey danjire Olgan Bakar oo muddadiisii loo soo magacaabay Dalkeena ay soo idlaatay. Waxa uu uu kaalin muhiim ah ka qaatay adkeynta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Mahadsanid Olgan Bakar, Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ma illoobi doonaan garab istaaggii aad muujisay muddadii aad ka howl-galeysay Soomaaliya". ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Turkiga u qaabishanaa Soomaaliya, Olgan Bakar, ayaa Ra’iisul wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii ahaa safiirka, iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]