4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Musharrax Maxamuud Khaliif oo qado-sharaf u sameeyey nabadoonnada Bari, Karkaar iyo Gardafuu

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-   Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan qado-sharafeed ahaa kula qaatay nabadoonnada gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Kulanka ayaa ahaa mid musharraxa iyo nabadoonnadu isaga xog waraysanayeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan baahiyaha ka jira gobolka iyo waliba dadaalka odayaasha dhaqanku ugu jiraan soo xulista xildhibaannada cusub ee baarlammaanka.

Qaar kamid ah nobadoonnada oo goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyey taageero mug lehna u muujiyey ololaha Karti iyo Hufnaan ee Musharrax Maxamuud Khaliif hormuudka u yahay, iyagoo sheegay inay garab istaagi doonaan cid kasta oo la timaada qorshe wanaagsan oo horumar u horseedi kara bulshada reer Puntland.


Injineer Jebiye oo ugu dambayntii hadalka qaatay, wuxuu bogaadiyey kaalinta ay nabadoonnadu kaga jiraan bulshada, isagoo xusay in odayaasha dhaqanku yihiin salka ay Puntalnd ku taagan tahay, sidaas oo ay tahayna aysan weli helin tixgelintii ay mudnaayeen.

Musharrax Maxamuud Khaliif ayaa ballan qaaday haddii uu ku guulaysto xilka Madaxwaynaha Puntland, in uu mudnaan gaar ah siin doono saaxiib dhowna ka dhigan doono odayaasha dhaqanka, maadaama ay yihiin labeentii bulshada talooyinkooduna lagama maarmaan u yihiin taabbogelinta hannaanka dowladnimada.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalkii uu ugu magac daray 'Tashi iyo Tabasho', kaasoo uu ku marayo qaybo kamid ah gobollada Puntland, si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee dalku ku jiro, islamarkaana ula tashado qaybaha kala duwan ee bulshada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]