4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Al-shabaab oo soo bandhigay magacyada qaar ka mid ah raggii weeraray Hotel Saxafi

 

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay magacyada qaar ka mid ah magac-yada raggii ka danbeeyay weerarkii Jimcihii aynu soo dhaafnay lagu qaaday Hotel Saxafi.

Raggan weerarka geystay waxaa ka mid ah  Axmed Aadan Mursal oo ku magac  dheeraa (Axmed Guduud )  waxaana warbaahinta Al-Shabaab ku hadasha afkeeda ee Andalus laga sii  daayay wareysi dardaaran laga duubay, ka hor inta uusan fulin weerarka.

Qofka labaad ayaa magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Maxamed Ibraahim Qeys oo loo yaqaano Saalax Salagle, waa ninka  ugu da’da weynaa kooxdii weerartay Hotelka Saxafi, waxaa  47 sano jir,  isaga oo ku biiray Al-shabaab sanadkii 2011.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta magacyada iyo qabiilada ay  ka soo jeedaan kooxaha weerarada is qarxinta iyo kuwa tooska fuliya.

Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Saxafi ayaa  waxaa ku dhintay illaa 52 ruux, waxaa uu ahaa weerar qaraxyo is xiga ku  bilowday, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ku qaado Hotelka Saxafi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]