4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Maamulka degmada Wajaale oo lagu eedeeyey inay u diiday iskaashato xafiis ka furanayey Wajaale

 

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Shirkada magaceeda la yidhaahdo Curiye oo ay aasaaseen muwaadiniin reer Somaliland ah  ayaa maamulka degmada Wajaale ku eedeeyey inay meel kaga dhaceen xaquuqdii ay u lahaayeen inay degmada ka shaqaystaan, isla markaana shirkad kale oo  iyagu wateen u ogolaadeen inay degmada ka hawlgalaan. 

Shirkadan iskaashada ah ee Curiye oo ka shaqaynaysa kireynta gaadiidka Itoobiya alaabta u qaadaysa ayaa loo diiday inay xafiis ka furato Wajaale, haseyeeshee masuuliyiintii shirkadu waxay u mareen dhinacii sharciga, ka dibna waxa maxkamada degmada Wajaale iyo Gabileyba ka soo saareen go’aan loogu fasaxayo inay xafiis ka furtaan Wajaale, sidoo kale, wasiirka Arrimaha gudaha ayaa amar uu ku socodsiinayo gudoomiyihii waagasi joogay gobolka Gabiley ku amrey in shirkadu ka furato xafiis mar haday soo mareen sharciyadii u taallay furashadda shirkado ganacsi.

shirkadan ayaa muddo laba sanno ka badan ka dacwoonaysay maamulka wajaale, haseyeeshee cid wax uga qabatay may jirin, waxaana maamulka Wajaale iska indho tireen dhamaan wixii waraaqo sharci ah ee furitaanka xafiiskaasi usoo qaateen.

Mudadaas loo diidanaa inay xafiska ka furtaan waxa hor taagnaa koox kale oo iyagu ka soo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maamulka degmada Wajaale ku qasbayey in aanay ogolaan oo ay gaadhay heer qaar ka mid ah ragi shirkadan sameeyey xabsiga loo taxaabo sida uu noo xaqiijiyey Mukhtaar Ismaaciil oo ka mid ah dhalinyarada shirkadan samaysatay.

Muwaadiniintan shirkada samaystay markii cid wax uga qabata ay waayeen ayey iska niyad jabeen,hawshiina halkaasi ku hakiyeen, nasiib wanaag markii nidaamkii Cabdi Iley ee JIgjiga ka talinayey meesha ka baxay waxa meesha ka baxday cadaadis kii ay shirkadan ku hayeen.

Ugu dambeynta, maamulka Wajaale ayaa shirkad kale liisanka u siiyey inay shaqadii shirkadii hore loo diiday inay qabato ay qabtaan, taas oo shirkadii horena ka dacwoonayso inay iyagu hore u haysteen liisanka shaqadan shirada cusub la siiyey.

Maamulka shirkadii loo diiday inay xafiiska furato Wajaale ayaa cadaalad daro iyo shakhsi jeceyl ku tilmaamay ogolaanshiyaha shirkad kale loo siiyey inay shaqadoodii loo diiday shirkad kale la siiyo.

Shirkadan iskaashada ee Curiye ayaa soo bandhigtay waraaqihii loogu ogolaanayey inay xafiis ka furtaan Wajaale o uu qoray wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Yaasiin Farotoon sanadkii 2017, waraaq kale oo maxkamada degmada Wajaale u qortay iyo dhamaan hay’adihii ay u docwoodeen oo dhamaantood shirkadan Curiye Loogu ogolaanayo inay shaqadaasi qabtaan.

Illaa hada lama garanayo waxay u cuskadeen maamulka Wajaale diidmada qayaxan ee shirkadan loogu diiday inay ka shaqayso Wajaale ee ay iskaga indho tireen dhamaan waraaqihii hay’ada dawlada u qoreen shirkadan Curiye ee kireynta gaadiidka Itoobiya iskaga kala goosha ee iyadu masuulka ka ahayd.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.