4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2018
Xulka Itoobiya oo 4-0 uga adkaaday xulka kubadda Cagta Soomaaliya

 

Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Cayaartan oo aheyd mid siweyn isha loogu wada hayay islamarkaana dhaxmartay xulalka Kubadda Cagta Itoobiya iyo Soomaaliya ee 23 sano jirka ayaa ugu danbeyntii ku soo dhamaatay 4-0 oo ay guusha ku raacday xulka Kubadda Cagta Itoobiya.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0, xulka Itoobiya ayaa Labada gool waxaa u dhaliyay laacibkooda Canaan Israel eshetu daqiiqadihii 28 iyo 38-aad

Markii leysugu soo noqday qeybtii Labaad xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa soo bandhiggay cayaar farsamadeedu sareysay, iyaga oo isku dayay in ay natiijo keenaan, balse ma dhicin oo waxaa ay ku soo dhamaatay cayaarta 4-0 oo loo adkaaday xulka Soomaaliya.

Si kastaba lugta labaad ayay labada wadan kuwada dheelidoonaa Khamiista soo aadan wadanka Jabuuti oo guri ahaan u ah xulkeena sanadihii laga soo gudbayna tartamo kala gedisan ku ciyaaray

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]