4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2018
Soomaaliya: $5 milyan oo lagu horumarinayo waxbarashada Gabdhaha


Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)–  Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya, Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.

Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog ka ahaa agaasimaha hay’adda USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shanta milyan  loogu talo galay in lagu horumariyo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

"Waa guul weyn waxaan kala saxiixnay hay’adda DFID heshiis lagu horumarinayo waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed, shantan milyan waxaa si hordhac ah u bixin doonta dowladda Mareykanka gaar ahaan hay’adda USAID, maanta waxaa halkan joogay wakiil ka socda dowladda Mareykanka muddo 30 sano kadib." ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

"Xukuumadda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka." ayuu ku daray Wasiir Goodax.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa  ku guuleystay muddooyinkii dambe in heshiisyo lagu horumarinayo waxbarashada dalka uu la saxiixdo hay’addo caalami ah si loo horumariyo waxbarashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]