4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 14, 2018
Puntland: Guddoomiyaha maxkamadda ciidammada oo faahfaahiyay xukunka dilka ah ee lagu ridey Cabdirisaaq Xuseen Tahliil

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland, G/sare Cawil Axmed Faarax ayaa markii ugu horreeysay faahfaahiyay xukun dil ah oo Isniintii toddobaadkan maxkamadda ay ku riday Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel) oo ku eedeysnaa inuu ka tirsanyahay ururka al-Shabaab.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda in Cabdirisaaq Xuseen Tahliil lagu helay inuu ka qaybqaatay weerar qaraxyo ah oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo, waxaa inta dheer oo u sheegay in lagu helay inuu maleegayay xilligii la qabanayay waxa uu ku sheegay 'shirqool'.

Ninkan ayaa horay Ciidammada Puntland gacanta ugu dhigeen, waxaana sanadkii 2012-kii ay Maxkamadda Ciidammada Puntland ku xukuntay dil toogasho, hase ahaatee waxaa la sii daayay sanadkii 2014.

"Shan qof oo marag ah ayaa markii hore maxkamadda la soo taagay oo la dhaariyay, ha-ahaatee haddii caafimaad la bido ama nabadgalyo xumo ka imaanayso hal shaqsi ah ama dhib ka imaanayo, waa la badbaadinaya wax allaale iyo wixii dhibaato ah  in laga hortago waa daruuri, maxkamadda racfaanka ayaa dan moodey in markii dambe dib u eegis lagu sameeyo xukunka." ayuu yiri G/sare Cawil Axmed oo ka jawaabay sababta loo sii daayay sanadkii 2014 Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo maxkamadda ay dil ku xukuntay.

"Saddex ruux oo marag ah oo Gaalkacyo laga keennay si qarsoodi ahna maxkamadda ay ku dhageysatay kuna caddeeyay kiiska inuu ku cadyahay.. sidaas ayuuna hadda xukunka ugu dhacay." ayuu ku daray guddoomiyaha maxkamadda Ciidammada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland, G/sare Cawil Axmed Faarax oo idaacadda VOA-da wareysi siiyay.

Bannaanbax looga soo horjeedo xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa shalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug.

Maxkamadda ayaa sidoo kale toddobaadyadii u dambeeyay saddex ruux oo kala xukun dil ah ku  riday,kuwaas oo kala ah ;Cabdi Cumar , Ina Nafiido oo 27 jir ah oo ku eedeysnaa al-Shabaab, Jeylaani Xasan Isxaaq Ina Batuulo oo lagu eedeyay al-Shabaab iyo Xasan Laamow Aadan oo lagu eedeynayay inuu ka tirsanyahay kooxda Daacish.

Gabagabadii, guddoomiyaha maxkamadda ciidammada ee labada gobolka waxa uu sheegay in bil racfaan ah la siiyay dhammaan ragga  xukunka uu ka dhacay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]