4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2018
Xildhibaannada oo maanta u codeynaya dib u eegis lagu sameeyo Miisaaniyada dowladda

 

Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaan in kulankooda maanta u codeeyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2018 taas oo xubnaha Golaha Shacabka ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada Miisaaniyadda 2018 iyo Akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Xildhibaannada ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka Billaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]