4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2018
Ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in ay gaadiid ku xanibeen gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, November, 14, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 300 oo gaadiid xamuul oo raran ku xayiran yihiin halkaa, kaddib markii ay ciidamada dowladdu bilaabeen in ay gaadiidka ka qaadaan lacago aan sharci aheyn.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaadiidkan ku xayiran gobolka ay u kala socdeen deegaanno kala duwan oo dalka ah, hasse ahaatee ay awoodi waayeen sida uu hadalka u dhigay lacago uu tilmaamay in baad yihiin oo ciidamada dowladdu ka qaataan gaadiidka.

‘’Dowladda marar badan oo horay aan cabashadan ugu gudbinay waxba wey ka qaban weyday ciidamada dowladda ee gobolkan ku sugan, ayuu yiri’’ guddoomiye ku-xigeenka.

Waxaa uu sheegay in gaadiidka laga rabo lacag xad dhaaf ah oo aysan bixin karin,islamarkaana maamulka gobolka Shabeellaha Hoose aysan waxba ka qabankarin.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu tilmaamay halka ay yaalaan Jid-gooyoooyinka ugu badan oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaa oo dhowr jeer oo hore cabashooyin laga so gudbiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]