4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Shirka Maayaradda Caasimadaha dalalka Islaamka oo Jabuuti lagu soo gaba gabeeyay

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)– Shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti,kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.

Duqa caasimadda Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka.

Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xog-hayaha guud ee ururka u doortay Faadumo  Cawaale Cismaan, Maayarka caasimadda Jabuuti  oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hoggaamin doonta 2-da sanno ee soo socota.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]