4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Faysal Cali Waraabe: Farmaajo ayaa Itoobiya naga soo xiray

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Soomaaliland,Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay maamulka Soomaaliland in laga soo xiray waddanka Itoobiya oo wada shaqayn dhow ay lahaayeen.

Waraabe oo looga bartay hadallada xamaasadda iyo xasaasiyadda ah ayaa waxaa uu sheegay dowladda Soomaaliya oo hoggaankeedu yihiin dhallinyaro inay siyaasaddii dibadda ay kasoo xireen.

"Waa taas maanta inanka yaree Farmaajo ah oo isaga oo 15 jir ah Mareykanka tegay maanta Itoobiya ayuu inaga xiray.. Ragga-yaga waa weyn anna isku jeedna" ayuu yiri.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay waxa uu ugu yeeray koonfurta in ay uga dheeraysay siyaasadda arrimaha dibadda, haddana maamulkooda uu ku soo ururray gudaha oo kaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]