4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Rai Zanenga ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfurgalbeed.

Wafdiga waxaa Baydhabo, ku qaabilay ku-simaha madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ,iyagoo ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka Koofurgalbeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday ayaa waxa ka mid ah caqabada jira ee doorashada madaxweynaha,waxaana warar lagu helay kulanka la sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfurgalbeed uu u sheegay wafdiga Qaramada Midoobey inay weli ku guda jiraan diyaar garowga doorashada iyo soo dhameystirka guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Koofurgalbeed.

Sida horay loo qorsheeyay doorashada ayaa dhacaysa 17-ka bishan November oo kaliya afar maalin ay ka dhimantahay,balse waxaa soo baxaya surtagalnimada ay doorashada dib ugu dhici karto,iyadoo xilli hore musharrixiinta qaar ay ku taliyeen in doorashada dib loo dhigo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]