4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Bannaan-bax looga soo horjeedo nin Puntland dil ku xukuntay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Isu soo bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidammada Puntland ku xukuntay dil toogasho ayaa maanta ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Bannaan-baxa oo ay ka qaybqaaten dad u badan haween iyo dhallinyaro ayaa taayaro lagu gubay, waxaana uu saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

Maxkamadda Puntland ayaa la sheegay inay dil ku xukuntay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel), kaasoo howlgal ay iska kaashadeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidanka Kumaandooska lagu qabtay bishii 7aad ee sanadkii hore.

Ninkan ayaa horay Ciidamada Puntland gacanta ugu dhigeen, waxaana sanadkii 2012 ay Maxkamadda Ciidammada Puntland ku xukuntay dil toogasho, hase ahaatee waxaa la sii daayay sanadkii 2014.Waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay al-Shabaab, isla markaana uu ahaa Madaxa Amniyaadka iyo Dhaqaalaha gobolka Mudug.

Balse, eedeymaha oo dhan waxaa diidday Cabdirisaaq Tahliil ,waxa uu horay u deggenaa dalka Mareykanka, waxaa dhaq dhaqaaqiisa la socday Mareykanka oo ku tilmaamay inuu ahaa nin khatar oo xagjir ah.

Wada-hadallo ay yeesheen xukuumaddii hore ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka ayaa lagu sii daayay Tahliil, waxaanse hadda la ogeyn waxa ay ka badalayso bannaan-baxa maanta ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug xukunka dilka ah ee lagu ridey Cabdirisaaq Tahliil.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]