4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Faah faahin ku saabsan Al-sabaab ku dagaalamay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe

 

Talaado, November, 13, 2018 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ku dhaxmaray xoogag ka wada tirnaa Al-shabaab sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab ay ka shakiyeen rag Soomaali iyo Ajaanib isugu jiray oo ku sugnaa degmada, kuwaasi oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish.

Dagaalka labada dhinac ayaa sababay in xubno ka tirsan Ururka halkaa lagu khaarajiyo, waxaana ka mid ahaa xubin ajnabi ah oo diiday in uu is dhiibo kaddib markii lagu weeraray gudaha masjid uu ku sugnaa.

Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri, waxaana la sheegay inuu u dhashay dalka Masar.

Wararka ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la xiray ilaa 100 qof oo iskugu jira xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo ganacsato iyo xubno kale oo lagu tuhmay inay doonayeen inay ku biiraan Daacish.

Xubnaha la xiray ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Macallin Daauud oo la sheegay inuu horey u ahaan jiray madaxa dacwada ee Gobolka Gedo, Waxaa kaloo ka mid ah mid ka mid ah weriyayaasha u shaqeeya ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ilaa shalay xubno kale ka qabqabteen Saakow, Buula Fuulaay iyo Kuunya Barrow.

Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka tirsan ay ka go'een Al-Shabaab sannadkii 2015-ka, waxaana ururka Al-Shabaab ay dileen xubnaha lagu tuhunsanaa inay ka tirsan Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]