Axad, November, 11, 2018 (HOL) – Madaxweyne
Muuse Biixi ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday qaramada midoobay iyo
urur-goboleedka IGAD.
Weftigan waxa hogaaminayey Ku-xigeenka wakiilka qaramada
midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Rai Zenenga iyo ergayga khaaska ah ee
urur-goboleedka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo, waxana la
sheegay in labada dhinac kulankaas diiradda ku saareen arrimo door ah oo
dhinacyada nabadgelyada iyo is-kaashiga ah.
Madaxweyne Biixi iyo xubnaha weftiga ah ee ka
kala socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, ayaa sidoo kale la
sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha
bani’aadam-nimada, amniga mandaqada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka
labada dhinac.
“Weftigu waxay madaxweynaha uga mahad-celiyeen
sida uu ugu heellan yahay in xukuumadda uu hoggaamiyaa kor u qaaddo xidhiidhka
ay leedahay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururrada kale ee mandaqadda.”ayaa
lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey
madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil
(Saylici), Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland, ahna sii hayaha
wasiirka waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), wasiirka
cusub ee maaliyadda, ahna sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali
Shire iyo ergayga Somaliland u qaabilsan midowga Afrika iyo urur-goboleedka
IGAD, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.