4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Khilaaf ka jira booqasho uu madaxweynaha Jubbaland ku tegeyo magaalada Garbahaarey

Axad, November, 11, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inuu booqdo degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Booqashada madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ka horyimid qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmada Garbahaarey ,iyagoo ku eedeyay madaxweynaha dowlad-gobolleedka inuusan waxba u qaban muddo siddeed sano ah oo uu xilka hayay ayna oggoleyn inuu yimaado magaalada Garbahaarey.

Dhinaca kale, waxaa maanta ka dhacay Garbahaarey , bannaan-bax looga soo horjeedo madaxweynaha Jubbaland iyo booqashadiisa gobolka Gedo ,iyadoo isu soo baxa uu ahaa mid ay soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan mas'uuliyiinta degmada ee maamulka Jubbaland.

Maamulka Garbahaarey, ayaa horay ugaga soo horjeesteen booqasho ay wasiirro ku yimaadeen magaalada Garbahaarey.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]