4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha xasillinta Garoowe

Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliyaha cusub ee xasillinta magaalada xarunta ah ee Garoowe, sida ku cad wareegto goor dhow uu baahiyay xafiiska madaxweynaha.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in taliyaha ciidanka xasillinta Garoowe loo magacaabay,G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir , waxaa uu xilka ka badalaya Jen. Muxyadiin Axmed Muuse.

Puntland waxaa ka socda ololaha doorashada madaxweynaha oo la filayo in magaalada Garoowe lagu qabto horraanka bisha Jannaayo ee sanadka 2019.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]