4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay musharrixiinta Koonfurgalbeed

Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Danjiraha dowladda  Britain ee Soomaaliya,Davin Cocar  ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed iyo musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfurgalbeed,Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa iyo safiirka Ingiriiska ayaa ka wada-hadlay doorashada Koonfurgalbeed  ee la doonayo inay dhacdo 17 bishaan aynu ku guda jirno, safiirka UK ayaa dalbaday in doorashada ay u dhacdo si cad oo lagu kalsoonaan karo islaamrkaana lasoo buuxiyo tirada ka maqan guddiga doorashada ee Koonfurgalbeed.

Ambassador Concar , ayaa dhinaca kale kulamo la yeeshay musharrixiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya iyagoona kawada hadlay sidii doorasho xor ah uga dhici laheyd , looga gudbi lahaa caqabadaha iminka hortaagan Koonfurgalbeed.

Musharraxiinta ayaa la sheegay inay dalbadeen in dib loo dhigo doorashada Koonfurgalbeed Soomaaliya si loogu diyaar garoowo taa badalkeedane ay dhacdo doorashao lagu kalsoonaan karo,balse ma jirto war arrinta la xiriira oo musharrixiinta ka soo baxay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]