4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Nin xoolo dhaqato ah oo xalay lagu dilay Towfiiq oo ka tirsan gobolka Mudug

Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Hal qof oo xoolo dhaqato ah ayaa xalay lagu diley meel aan sidaasi uga durugsanayn degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, Puntland, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Cabdinuur Diiriye Axmed , oo odayaasha deegaanka ka mid ah ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay inaysan jirin ilaa hadda cid dilka loo soo qabtay, waxa uu sheegay markii raadka ragga dilka geystay dib loo raacay inuu galay deegaannada Galmudug.

"Dilalka noocan ah way ku soo bateen deegaanka, bishii hore rag gaari wata ayaa jidka loo galay, arrintan waa in wax laga qabtay". ayuu yiri Cabdinuur Diiriye.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]