4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidammada amarna dul-dhigay

Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidammadan oo ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira amniga iyo weerarkii Muqdisho ka dhacay maalintii Jimcaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray taliyeyaasha uu kulanka deg deg ah la qaatay in ay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha, sida laga soo xigtay agaasimaha warfaafinfa xafiiska madaxweynaha.

Taliyeyaasha uu isugu yeeray madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi,taliyaha  Booliska Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, taliyaha Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Kulankan waxaan ka soo muuqaan taliska hay'adda sirdoonka iyo nabadsugidda ,waxaana uu ku soo aaday kaddib markii Jimcihii la soo dhaafay saddex qarax lagu weerarray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhintey ku dhawaad konton ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Weerarka oo ay mas'uuliyadiisa sheegteen ururka al-Shabaab, waxaa lagu tilmaamay midkii ugu khasaaraha badnaa  tan iyo qaraxii Zoobe oo galaaftay dad ka badan lix boqol oo ruux.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]