3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Koonfur Galbeed : Doorashada waqtiggeeda ayeey ku dhaceysa

 

Axad, November, 11, 2018 (HOL) -Kaddib is casilaadii gudddiggii doorashada maamulka Koonfur Galbeed waxaa soo ifbaxday shaki laga qabo dib u dhac ku iman kara waqtigga doorashada oo markii hore loo ballamay 17ka bisha.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in doorashadu ku dhici doonto sida uu hadalka waqtiggii loo qorsheeyay, isaga oo intaa ku daray qaabka iyo farsamada doorashada ay u dhici doonto laga sugayo guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku-simaha madaxweynaha Shariif Sheekhu-na Maye.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan lasoo magacaabi doono tirada ka  dhiman gudiga doorashada maamulkaasi oo dhawaan iscasilay.

Dhawaan waxaa is casilay oo xilkii madaxweyaha ka degay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo sidoo kale sheegay in uu isaga baxay tartankii doorashada, isaga oo dowladda ku eedeeyay in ay fara-galin ku sameysay hanaanka doorashada Koonfur Galbeed.

Musharixiinta qaarkood ayaa dalbanaya in doorashada dib loo dhiggo, hasse ahaatee Xassan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wali waxba iska badalin qorshihii jadwalka doorashada ee ahaa in la qabto 17ka bishan , walow wali aan la soo magacaabin xubnihii buuxin lahaa boosaskii ay banneeyeen guddiggii hore ee xilalka iska casilay 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
11/11/2018 10:49 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL)–Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD.

11/11/2018 10:31 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

11/11/2018 10:26 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inuu booqdo degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

11/11/2018 10:04 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Waxaa qaybo kamid ah caalamka ka socotaa munaasabadaha lagu xusayo 100 sanaguuradii kasoo wareegtay dagaalkii koowaad ee Adduunka. Waxaana lagu maamuusaya markii lasoo afjaray dagaalka oo ay ahayd sannadkii 1918-kii.

11/11/2018 7:30 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna marti-gelisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

11/11/2018 7:25 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliyaha cusub ee xasillinta magaalada xarunta ah ee Garoowe, sida ku cad wareegto goor dhow uu baahiyay xafiiska madaxweynaha.

11/11/2018 7:17 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Ciidammada Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

11/11/2018 7:11 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Danjiraha dowladda Britain ee Soomaaliya,Davin Cocar ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed iyo musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka.

11/11/2018 7:02 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Hal qof oo xoolo dhaqato ah ayaa xalay lagu diley meel aan sidaasi uga durugsanayn degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, Puntland, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

11/11/2018 6:50 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidammadan oo ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira amniga iyo weerarkii Muqdisho ka dhacay maalintii Jimcaha.

11/11/2018 1:39 AM EST
Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Duqa caasimadda Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Jabuuti , halkaas oo uga qeyb galayaan shirka Maayarada dalalka Islaamka.

11/11/2018 1:34 AM EST
Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Jaaliyadda Soomaalida ah ee dalka Australia ayaa cambaareeyay weerar uu geystey muwaadin Somali-Australian ah kaasoo uu ku dhintey hal ruux labo kalana ay ku dhaawacmeen.

11/11/2018 1:22 AM EST
Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.

11/11/2018 1:07 AM EST
Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay gobolka Geeska Afrika inuu sii yeelan doonin saddex madaxwayne, isagoo ka hadlayay khudbad uu ka jeedinayay Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Bahardar ee gobolka Amxaarada, iyadoo ay dhinac taaganyihiin madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya, sida laga soo xigtay Eritrean Press (EP).