4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Madaxweynaha Puntland oo eedeyay dowladda Federaalka

Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federaalka  Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.

Cabdiweli, oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay khilaafka dowladda faderaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ,waxa uu sheegay inuu ku salaysanyahay arrimaha faderaalismka ee dalka, isagoona sheegay dowladda inay isku koobayso awoodaha oo dhan, taasina ay suurtagal ahayn.

"Waxaan maamulaa Gaalkacyo illaa iyo Caluula kun iyo laba boqol oo kiilo mitir, hadde dadka aan hogaamiyo aniga ayay iga sugayaan wax walba sida caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka." ayuu yiri madaxwaynaha Puntland .

"Aniga waxaan ka imid dal faderaal ah, guddoomiye kasta oo gobol Mareykanka waxaa uu xaq u leeyahay uu soo galaa heshiisyo caalami ah, mana ahan inaan Gaalkacyo ama Puntland gudaheeda kaliya isku koobo." ayuu yiri Cabdiweli Gaas oo la waydiiyay inay dowlad-gobolleedyada ay siyaasadda arrimaha dibadda u gacan dhaafayaan dowladda dhexe.

Madaxwaynaha Puntland ayaa ku eedeeyey dowladda faderaalka inay dhaqaalihii dowladda ay u adeegsanayso siyaasado gaar ah sida kala fogaynta maamul-gobolleedyada ,sida Koonfurgalbeed oo uu ku sheegay musuqmaasuq inay ka gashay.

Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa muddo waxaa taagan khilaaf aan xal loo helin oo soo bilowday kaddib markii ay kasoo horjeesteen maamul-gobolleedyada go’aankii dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka dowladaha Khaliijka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]