4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Abiy Axmed: Itoobiya, Soomaaliya iyo Eriteriya masii yeelan doonaan mustaqbalka saddex madaxwayne

Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay gobolka Geeska  Afrika inuu sii yeelan doonin saddex madaxwayne, isagoo ka hadlayay khudbad uu ka jeedinayay Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Bahardar ee gobolka Amxaarada, iyadoo ay dhinac taaganyihiin madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya, sida laga soo xigtay  Eritrean Press (EP).

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, kuma soo darin hadalkiisa goorta loo cayimay inay midoowaan dalalkan, balse waxaa uu kusoo koobay mustaqbalka.

Madaxwaynaha Eriteriya Isais Afwerki, madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Dr Abey ayaa booqday magaalada Gondar oo uu ku aasanyahay madaxwaynaha Eriteriya awoowgiisa, saddexda hoggaamiye ayaa kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen waxaa ay uga hadleen dhaqaalaha, isdhexgalka siyaasadda Geeska Afrika iyo heshiiskii Asmara ay horay ugu soo saxiixdeen.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wargayska uu kasoo xigtay khudbad uu ka jeediyay magaalada Gondar in taariikhda Geeska Afrika ay isbadashay.

"Hadda waxa aynu u gudbaynaa wada shaqayn dhanka gobolka, horumarinta dhaqaalaha iyo inaan xaqiijino iyo la dagaallanka faqriga".ayuu yiri Farmaajo.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa baahiyay isbadalka uu horseedka u yahay ee ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana hoggaamiyayaasha saddexda ka dhaxeeya xiriir iyo iskaashiga dhinacyo badan leh,kaas oo isku soo dhaweeyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]