4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2018
Al-shabaab oo xukun dhagax-ku-dil ah ku fulisay hooyo ku eedeysnayd in ay 11 nin xaas u ahayd

Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -
Boqollaal kamid ah dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaal magaalada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose si ay u daawadaan xukunka ay fulinayeen Al-shabaab.

Warbixin lagu daabacay mareeg kooxdaasi ay maamusho ayaa lagu sheegay in garsoore ka tirsan Al-shabaab uu sheegay in hooyo lagu magacaabo Shukri C/laahi Warsame ay soo guursaday ilaa 111 rag ah, ayadoo mareegtaasi ay qortay in lagu xukumay in dhagax lagu dilo.

“Shukri Cabdullaahi oo 30 jir ahayd ayaa guursatay 11 nin, waxaana ka dhintay hal nin mid kalana wuu furay, iyadoo haatan si qarsoodi ah xaas ugu ahayd 9 Nin sida laga sheegay goobta uu ka dhacay xukun oo ay usoo daawasho tageen dad badan oo ku dhaqan Sablaale,” ayaa lagu qoray Boggaasi.

Qaadigii xukunka ku riday ayaa sheegay in Shukri ay qiratay danbiga loo soo qabtay ee ahaa in ay xaas u noqotay 11 rag ah.

Shurki C/laahi oo maanta lagu fuliyay xukunka dhagax-ku-dilka ah ayaa hooyo u ahayd 8 carruur ah oo 7 kamid ah ay u dhashay ninkeedii ugu horeeyay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.