3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2018
Dagaal dhimasho, dhaawac iyo barakac geystey oo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolada Sanaag iyo Sool

Araboco, May 09, 2018 (HOL) - Dagaal Culus ayaa ka dhex bilaabmay laba beelood oo wadada dega dhul balaadhan oo ka tirsan gobolada  Sanaag iyo meelo ka mid ah gobolka Sool, waxaana la sheegayaa in uu khasaare xoog leh geystey.

Dagaalkan ayaa waxa uu daba socdey dagaalo bilihii la soo dhaafay ka dhacayey degaanadaasi oo sababay qasaare baahsanaa iyo barakacba.

Dagaalkan oo saaka ka bilaabamay meel lagu magcaabo Dhidinka oo u dhow degmada Ceel-afweyn ayaa la sheegay in saameeyey degaano balaadhan oo ay labadaas beelood wada degaan oo ay ka mid yihiin Siigadheer, Dararweyne, Fadhigaab iyo degaano kale.

"Ceel-afweyn waxaan ogahay in ay ku dhinteen 7 ruux oo  mid haweeney tahay, sidoo kale waxaa naloo sheegay Fadhigaab in sagaal ruux ay ku dhinteen, halka dhidinkana 5 ruux la sheegay warkuna intaas maaha ee waa soo kordhayaa oo weli khasaaraha lama xaqiijin karo" sidaa HOL u sheegay Maxamuud Ismaaciil oo joogey Ceel Afweyn xiligii dagaalku Dhacayey.

Dad badan oo aan kala xidhiidhnay degaanada dagaaladu ka dheceen waxa ku adkaaday in ay helaan xaqiiqada dhabta ah ee khasaaraha labada dhinac, balse dadka qaarkood oo labada dhinaca ah waxa ay kuu sheegayaan halka ay joogaan  iyo sida ay u adagtahay qaadashadeedu.

Gurmad ciidan ayaa labada dhinac ay ka wadaan degaanada ka baxsan dhulka laysku laayey, illaa hadana ma jiraan dadaalo lagu xakamayn karo iyadoo xiisadu meel aanay weligeed gaadhin ay marayso.

Meelaha qaarkood dagaalka waa istaagey waxaana soconaya qax ka bilaabmay degaanadii dagaaladu ka dheceen iyo kuwo kaleba.

Wixii war ah ee ka soo kordha dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool













Click here
5/9/2018 10:35 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Boqollaal kamid ah dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaal magaalada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose si ay u daawadaan xukunka ay fulinayeen Al-shabaab.

5/9/2018 10:04 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Gudiga gurmadka abaaraha heer qaran ayaa maamulka gobolka Gedo ku wareejiyay lacag dhan $100,000 (Boqol kun oo Doollar) oo loogu talo galay in lagu caawiyo ...

5/9/2018 9:35 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Maamulka degmada Hodon oo uu hogaaminayo gudoomiyaha dagmada Maxamed Axmed Cantoobo ayaa maanta ku wareejiyay Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo tacliinta sare Xaruntii ay ku laheyd xaafadda taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir.

5/9/2018 4:06 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan ruuxaani ayaa sheegay in xukuumadda Tahraan ay daba mari doonto Mareeykanka, kalana xaajoon doonto heshiiska Nuclearka dalalka kale ee sixiixayaasha ahaa, isagoo sheegay in ka laabashada Mareeykanka ee heshiiskaasi uu yahay mid aan la aqbali Karin.

5/9/2018 3:43 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa shalay gelinkii danbe xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub ayagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan taageerada uu ururkaasi siiyo Soomaaliya.

5/9/2018 3:26 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamanka ayaa dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud.

5/9/2018 2:52 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Gabi ahaan dalkan Mareykanka waxaa ka socda doorashooyinka dhexe ee sanadk 2018, Soomaalida Mareykankuna waxay ka mid yihiin dadka u ordaya kuraasta kala gadisan ayaga oo ka tartamaya gobollo kala duwan.

5/9/2018 2:38 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Aqoon is-weeydaarsiga oo uu fududeeyay urur goboleed IGAD ayaa waxa ka qeybgalaya culumaa’udiin, masuuliyiinta ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland iyo aqoonyahanno ka kala yimid ...