4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2018
Maamulka gobolka Gedo oo lagu wareejiyo $100,000 oo wax loogu qaban doono dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Gudiga gurmadka abaaraha heer qaran ayaa maamulka gobolka Gedo ku wareejiyay lacag dhan $100,000 (Boqol kun oo Doollar) oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen fatahaadihii webiga Jubba uu ka geystay qeybo ka tirsan gobolka Gedo.

Raysul wasaare ku xigeenka dalka ahna gudoomiyaha gudiga Mudane Mahdi Max’ed Guuleed (Khadar) ayaa lacag ku wareejiyay gudoomiyaha gobolka Gedo Mudane Max’ed Muxumed Max’ed.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya dadaallada ay ku garab istaageeyso shacabka ay saameeyeen fatahaadihii webiga Jubba uu ka sameeyeen qeybo ka tirsan gobolka Gedo.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Sheekh max’ed Xuseen Isaaq (Al-qaadi) ayaa shabakadda HOL u sheegay in dhaqaalaha la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka gobolka Gedo ee ay saameeyeen fatahaadihii webiga Jubba.

“Deeqdan ay dowladda nagu wareejisay waxaa loogu talo galay shacabka ay saameeyeen fatahaadaha iyo kuwa ku barakacay fatahaadda iyo daadadkii ka dhashay roobabkii da’ay,” ayuu gudoomiye kuxigeenka hadalkiisii raaciyay.

Dhawaan ayaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo waxaa gaaray wafdi uu horkacayay Raysul wasaare kuxigeenka dalka, kuwaa oo deeq gaarsiiyay shacabka ay fatahaaddu saameeysay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.