4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2018
Ruuxaani: In Mareeykanku ka baxo Heshiiskii Nuclear-ka waa wax aan la aqbali Karin

Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -
Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan ruuxaani ayaa sheegay in xukuumadda Tahraan ay daba mari doonto Mareeykanka, kalana xaajoon doonto heshiiska Nuclearka dalalka kale ee sixiixayaasha ahaa, isagoo sheegay in ka laabashada Mareeykanka ee heshiiskaasi uu yahay mid aan la aqbali Karin.

Hadalka Ruuxaani ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Mareeykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii Nuclear ee lala galay Iiraan oo uu ku tilmaamay mid dhibaato keenaya.
Ruuxaani oo arimahaasi ka jawaabaya ayaa sheegay “Hadii ujeedooyinkii laga lahaa heshiiska aan ka helno dalalka kale ee saxiixay, sidiisa ayuu ahaan doonaa.”

“Ka bixidda heshiiska, Mareeykanka waxa uu si cad uga hor yimid ballanqaadkiisii heshiis caalami ah,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu xusay in aysan marna ogolaan doonin in heshiiskaasi la burburiyo, isagoo yiri “Waxaan amray wasiirka arimaha dibadda in kala xaajoojo dalalka Yurub, Shiinaha iyo Ruushka todobaadyada nagu soo aadan. Haddii dhammaadka mudadan gaaban aan kusoo gabagabeeyno, waxaan si dhameystiran uga faa’iideysan doonnaa heshiiska wadajirka ah ee JCPOA ee Iiraan, anagoo garab uga heleeyna dalalka kale, heshiiskuna wuxuu ahaan doonaan sidiisii.”

Donald Trump ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday dadaallo ku aadan in uu ka laabto heshiiska Nuclearka ee madaxweynihii isaga ka horeeyay la galay dalka Iiraan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.