4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2018
Wafdi ka socday Midowga Yurub oo kulan la qaatay Gudoomiyaha baarlamanka aqalka sare ee dalka
Xuquuqda Sawirrada: Sonna

Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa shalay gelinkii danbe xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub ayagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan taageerada uu ururkaasi siiyo Soomaaliya.

Gudiga ayaa ka wareeystay gudoomiyaha baahiyaha gaarka ah ee golaha iyo warbixin guud oo ku saabsan taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa Wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda, isagoo warbixin ka siiyay waxyaalaha ay doonayaan in Midowga Yurub uu gacan ka siiyo oo ay kamid yihiin tababarro aqoon kororsi ah in ay ka helaan Midowga Yurub gaar ahaan dalalka uu jiro nidaamka federaalka.

Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Midowga Yurub in ay gacan ka geeystaan xoojinta xiriirka aqalka sare iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhinaca kale, masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay arimo ku saabsan dastuurka KMG ee dalka, ayadoo ay isla qaateen dhameystirka howlaha dib u eegista dastuurka KMG ah iyo sidii uu Midowga Yurub gacan uga geeysan lahaa howlahaasi.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.