3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2018
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay aqoonyahanno ka qeyb-galayay kulan looga hadlayo xag-jirnimada
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Aqoon is-weeydaarsiga oo uu fududeeyay urur goboleed IGAD ayaa waxa ka qeybgalaya culumaa’udiin, masuuliyiinta ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland  iyo aqoonyahanno ka kala yimid gobollada dalka iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saarayay ka hortagga xagjirnimada iyo dhaqan-celinta maleeyshiyaadka kasoo goostay Al-shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ficilada Argagixisadu ay u baahan yihiin dagaal dheer oo dhab ah isla markaana koox gaar ah ama shaqsiyaad ayna ka guulaysan karin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ka guul gaaridda falalkaasi ay asal u yihiin bulshada oo la wacyi galiyo iyo abaabul guud oo arintaasi looga hortagayo oo la sameeyo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
5/9/2018 10:35 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Boqollaal kamid ah dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaal magaalada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose si ay u daawadaan xukunka ay fulinayeen Al-shabaab.

5/9/2018 10:29 AM EST
Araboco, May 09, 2018 (HOL) - Dagaal Culus ayaa ka dhex bilaabmay laba beelood oo wadada dega dhul balaadhan oo ka tirsan gobolada Sanaag iyo meelo ka mid ah gobolka Sool, waxaana la sheegayaa in uu khasaare xoog leh geystey.

5/9/2018 10:04 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Gudiga gurmadka abaaraha heer qaran ayaa maamulka gobolka Gedo ku wareejiyay lacag dhan $100,000 (Boqol kun oo Doollar) oo loogu talo galay in lagu caawiyo ...

5/9/2018 9:35 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Maamulka degmada Hodon oo uu hogaaminayo gudoomiyaha dagmada Maxamed Axmed Cantoobo ayaa maanta ku wareejiyay Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo tacliinta sare Xaruntii ay ku laheyd xaafadda taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir.

5/9/2018 4:06 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan ruuxaani ayaa sheegay in xukuumadda Tahraan ay daba mari doonto Mareeykanka, kalana xaajoon doonto heshiiska Nuclearka dalalka kale ee sixiixayaasha ahaa, isagoo sheegay in ka laabashada Mareeykanka ee heshiiskaasi uu yahay mid aan la aqbali Karin.

5/9/2018 3:43 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa shalay gelinkii danbe xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub ayagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan taageerada uu ururkaasi siiyo Soomaaliya.

5/9/2018 3:26 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamanka ayaa dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud.

5/9/2018 2:52 AM EST
Arbaco, May, 09, 2018 (HOL) -Gabi ahaan dalkan Mareykanka waxaa ka socda doorashooyinka dhexe ee sanadk 2018, Soomaalida Mareykankuna waxay ka mid yihiin dadka u ordaya kuraasta kala gadisan ayaga oo ka tartamaya gobollo kala duwan.