4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2018
Mudaharaad khasaare sababay oo ka dhacay Wajaale qaybta Itoobiya


Talaado, May, 08 ,2018  (HOL) – Mudaharaad lagaga soo horjeedo  mudaharaad hore oo lagu taageerayo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa maanta ka dhacay magaalada Wajaale ee dhinaca Itoobiya.

Dadkan mudaharaadayey ayaa ku dhowaaqayey dooni mayno dib u curasho, waxaanay uga jeedeen in nidaaamka hadda ka jira dawlad deegaank Soomaalidda Itoobiya aanay raali ka ahayn, taasina waxay keentay inay isku dhacaan shacabkii isku soo baxay iyo ciidankii goobta joogay sida uu ii xaqiijiyey dad goobta ka ag dhoweyd.


Mudaharaadkan ayaa wararku sheegayaan inuu hal qof ku geeriyooday,  dhaawacna uu jiro, inkastoo aan wali jirin cid ka hadashay khasaaraha dhabta ah ee meesha ka dhacday, haseyeeshee waxa la sheegayaa in  dadkii ku waxyeeloobay markiiba loo qaaday magaaladda Jig-jiga.

Laba cisho ka hor waxa magaaladda Wajaale ka dhacday mudaharaad lagu taageerayo madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar iyo nidaamkiisa loo yaqaan dib u curashadda, haseyeeshee waxa jira oo maalmihii u dambeeyey laga dareemayey Wajaale qaybta Itoobiya guux lagu diidan nidaamka shaqo ee ka jira dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Barkhad Omar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland
[email protected]