4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2018
Militariga Nigeria oo soo badbaadiyay 1000 qof oo u afduubnaa kooxda Boko-xaraam

Talaado, May, 08, 2018 (HOL) -1,000-ka qof ee maxbuus ahaanta loo heystay ayaa la sheegay in ay soo furteen ciidamada militariga dalka Nigeria ayadoo sidoo kale ciidamadu ay howlgalkaasi ku dileen ilaa 50 ka tirsan kooxda Bokoxaraam, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan Militariga dalkaasi.

Howlgalka oo bilowday 28-ka April ayaa weli soconaya, afhayeen u hadlay militariga Nigeria oo lagu magacaabo Texas Chukwu ayaa u sheegay CNN.

“Dadka lasoo badbaadiyay ayaa u badan haween iyo carruur, sidoo kale waxaa ku jira rag lagu qasbay in ay ku biiraan dagaalyahannada kooxda Bokoxaraam,”  ayuu Shukwu hadalkiisii raaciyay.

Dadkan ayaa laga soo badbaadiyay gobolka Borno oo ku yaal waqooyi-bari dalka Nigeria.
“Dadka lasoo badbaadiyay waxaa lagu daweeynayaa xarun caafimaad oo ay leeyihiin Militariga” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Militariga.

Howlgalkan bad-baadinta ayaa daba socday sii deyntii in ka badan 100 gabdhood oo kooxdu sii deeysay bishii Maarso.

Bishii aynu kasoo gudubnay, ciidamada dalka Nigeria ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhex-galay hogaanka kooxda, kaa oo salka ku hayay wadaxaajoodyadii lagu sii deeynayay gabdhaha weli u afduuban kooxda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.