4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2018
Raysul wasaaraha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuna-qabateynta Hubka
Talaado, May, 08, 2018 (HOL) -Kulankan oo ka dhacay xafiiska raysul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay arimo la xiriira xaaladaha dhanka ammaanka ee Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladdu dooneeyso in ay dib ugu qalbeeyso ciidanka qaranka Soomaaliya.

Wafdigan oo uu horkacayay safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan Mudane Kiarat Umarow ayaa waxa ay warbixinno ka dhageysteen raysul wasaaraha dalka, ayadoo wafdigu sheegay in ujeedka kulanka ay la qaateen raysul wasaaraha uu yahay mid ay ugu kuurgalayaan halka ay mareeyso cunaqabateyntii dhanka hubka ee la saaray Soomaaliya iyo xaaladda uu dalku ku jiro.

Danjire Kiarat Umarow ayaa sheegay in safarkooda uu ku qotomo sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen halka ay mareeyso cunaqabateyntii dhinaca hubka ay Qaramada Midoobay saartay Soomaailya, iyo isbadallada ka jira dalka gaar ahaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo geedi-socodka doorashooyinka iyo dib usoo kabashada kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Raysul wasaaraha dalka ayaa uga mahadceliyay wafdiga ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuna-qabateynta Hubka booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka nabadda iyo horumarka, sanadaha soo socdana uu dalku gaari doono heer ka sareeya halka uu maanta marayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday dadaallo la doonayo in dib loogu dhiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliya si ay ammaanka dalka ugala wareegaay ciidamada nabad ilaalinta Midwoga Afrika ee Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.