4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2018
Raysul wasaare ku xigeenka dalka oo sheegay in fatahaadda webiga Jubba ay qasaarooyin ka geysatay gobolka Gedo

Talaado, May, 08, 2018 (HOL) -Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), raysul wasaaraha dalka oo dhawaan isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay safar shaqo ku tageen gobolka Gedo, halkaa oo ay u tageen in ay soo qiimeeyaan saameynta fatahaadihii webiga Jubba ka geystay degmooyinka ka tirsan gobolkaasi iyo sidoo kale in kaalmo deg-deg ah ay gaarsiiyeen shacabka ay saameeyeen fatahaadaha ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda gobolkaasi iyo saameynta fatahaadda.

Waxa uu xusay in fatahaadda webiga Jubba uu ka geystay degmooyin ka tirsan gobolkaasi ay sababtay in ay ku baaba’aan dalagyo badan islamarkaana degmooyinka qaar ay biyaha webigu xireen isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

“Waxaan indhaheenna kusoo aragnay sida Baardheere wabiga u kala xiray, dadka magaalada labadeeda dhinac, Luuq iyo Baardheere sida uu baabi’iyay Dalaggii iyo Beerihii, dad badan oo Beereleey Soomaaliyeed ah oo doonayay inay ka faa’iideeystaan wax soo saarkii usoo baxay ayay daadadkaas iyo Fatahaadda Wabiga uu ka burburiyay tacabkii ay beereen”.ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Masuulka ayaa sheegay in shacabkaasi u baahanyihiin in loo gurmado, isagoo xusay in dowladdu ay gaarsiisay wixii karaankeeda ah, baaqna u dirtay beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka, si ay ugu gurmadaan shacabka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadda.

Raysul wasaare ku xigeenka ayaa sido kale ka warbixiyay xaaladda degmada Doolow  ee gobolka Gedo, isagoo xusay in magaaladaasi ay kusoo arkeen horumar laga sameeyay dhanka amniga.

 “Waxaan ku dhex lugeynay Degmada Doolow, iyadoo ay ka tarjumeyso nabad galyada qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ku naaloonayaan, waxaan soo aragnay dadka degmada Doolow sida daadadkii iyo roobabkii waa weynaa ay u barakiciyeen dadkii magaalada qeybo badan oo ka mid ah”.

Ugu danbeyntii, raysul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya wixii tabarteeda ah ay gaarsiisay shacabka ay saameeyeen fatahaadihii webiyada Shabeelle iyo Jubba isagoo xusay in ay ku jiraan uruurinta waxyaalaha ay ku deeqeen bulshada Soomaaliyeed, sida ganacsatada, qurbajoogta iyo hay’adaha samafalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.