4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2018
Uhuru Kenyatta oo sheegay in 9 askari ay ku dhinteen qarax ka dhacay nawaaxiga Deegaanka Dhoobleey
Talaado, May, 08, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xaqiijiyay in sagaal askari u dhalatay dalkaasi Kenya loogu dilay Qarixii shalay ka dhacay deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubabdda Hoose.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay askartii lagu dilay fiidnimadii Axaddii weerarkii al-Shabaab ee Dhoobley.

Weerarkaasi oo ahaa mid aad u weynaa ayaa waxaa sheegtay Ururka Al-Shabaab, iyagoo oo sheegay in ay dileen 15 Askari oo Kenyaan ah kuwo kalena ku dhaawaceen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Murugadda la qeybsanaayo qoysaska Askartii ku dhimatay Dhoobley, islamarkaana ay ka go’an tahay in ay sii waddaan howlgalkooda Nabad Ilaalinta ee Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana inta badan ay ku sugan yihiin degaanaada Maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab waxa ay weeraro dhowr jeer ah ku qaaddeen gudaha Dalka Kenya tan iyo bishii Oktoobar 2011-kii, iyada oo sheegay in ay tahay Jawaab ciqaab ah, Ciidamada Kenya ee gudaha u soo galay xilliggaasi Dalka Soomaaliya.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya