Isniin, May, 07, 2018 (HOL) – Shirweynahan
oo wada jir ay isaga kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adda
Qaramada Midoobey sida UNDP iyo FOA ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin
ka hortaga xaalufinta dhirta, Dhoofinta iyo ganacsiga dhuxusho oo marar badan oo
hore digniinno laga soo saaray.
Gaar ahaan shirka ayaa diirada
saaraya bal in la heli karo wax kale oo badali kara dhuxusha oo ay dadku
u adeegsadaan nolal maalmeedkooda caadiga si looga meesha looga saaro jarista dhirta iyo
xitaa marka dhinaca kale la eego ka ganacsiga dhuxusha.
Daraasad la sameeyay ayaa lagu sheegay in
30kii Ilbiriqsi gudaha dalka Soomaaliya la jaro hal geed si dhuxul looga shido,
waxaana inta badan dhuxushaa loo iibgeeyaa dalalka Carabta.
"Waxaan u baahanahay in
aan u wajahno si dhab ah arrimaha dhuxusha Soomaaliya, dalabka iyo daabulka waa
in wax laga qabtaa labadaba, si ay taas u suurtogasho waxaan u baahanahay
iskaashi in la fuliyo qaraaradii Golaha Amaanka , lana hubiyo in laga hortago
qasaaraha deegaanka , dhaqaalaha iyo dadkaba gaaraya" ayuu yiri ra’iisal
wasaare ku-xigeenka oo shirkan furay.
Dhoofinta dhuxusha gudaha
dalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2012kii noqotay mid soo jiidatay idhaha beesha
caalamka kaddib markii Qaramada Midoobey sheegtay in Ururka Al-shabaab dhaqaale
faro badan ka helo si taa looga hortagana waxaa ay Qaramada Midoobey ku
dhawaaqday in la mamnuucay.
Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 8.2 milyan oo
geed la jaray Soomaaliya intii u dhaxaysay 2011-kii illaa 2017-kii, iyada
oo dhoofka dhuxusha sanad kasta laga sameeyo malaayiin doolar.
Warbixinno is-dabo-joog ah oo
sanadihii la soo dhaafay uu soo saarayay guddiga kormeerka cunaqabataynta hubka
Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland oo kaashanaya
ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM si xowli ah uga
wadaan Kismaayo dhuufinta dhuxusha oo loo iibgeeyo wadamo ku yaala Khaliijka.
Hadaba shir-weynahan maanta ka
furmay magaalada Muqdisho ayaa la oran karaa waa mid faa’iido weyn u yeelan
kara bilicda deegaanka iyo ka hortaga nabaad-guurka, haddii dhinacyada ka
qeybgalaya isla gartaan fulinta qodobada laga wada hadlayo.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]