4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed

 

Isniin, May, 07, 2018 (HOL) – Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada looga arrimiyo dalka Jabuuti waxaa uu ku qaabilay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Madaxweyne Geelle iyo taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Amaanka dalka Soomaaliya iyo sida dowladda Jabuuti uga qeybqaadan karto gacan ku siinta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sugida nabad-galyada.

Madaxweyne Geelle oo amaanay kaalinta ciidamada Booliisku ay ku leeyihiin sugida Amniga ayaa balanqaaday in dowladdiisu sii wadi doonto tababarada ay siiso ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Geelle sida uu mar walba u barbartaagan yahay dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa oo joogay taliyaha ciidamada Booliiska dalka Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]