4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Shirkadda Gawaarida ee TOYOTA ayaa 27 sano ka dib Xafiis ka furatay Soomaaliya

Isniin, May, 07, 2018 (HOL) - Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xariga ka jaray Xafiiskan Shirkada TOYOTA ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qayb ka tahay maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya.

"Dowladda Siyaasaddeedu waa kobcinta dhaqaalaha marka TOYOTA oo kaliya ma’ ahan kambaniyo badan oo waaweyn ayaa qadka ku soo jira, waxaan ku rajo weynahay wax soo saarka Soomaaliya in suuqyo badan la geeyo iyo wadamada Dariska ah" ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Xafiiska TOYOTA uusan ku ekaan doonin Muqdisho balse uu gaari doono Dhammaan Gobollada Dalka, waxuuna tilmaamay in Gaadiidka ugu badan ee dalka laga isticmaalo uu yahay kuwa ay soo saarto shirkadda TOYOTA , waxaana lagu soo gadan jiray buu yiri si aad u liidato, iyadoo uu sheegay in ay soo mari jireen ilaa seddex gacan, sida iyadoo Japan lagu soo isticmaalay, hadana Imaaraadka lagu soo isticmaalay, uu ugu dambeyn dalku imaan jiray balse hadda waa ay ka badalantahay oo waxaa la heli doonaa iyagoo cusub ayuu shaaciyay Wasiir Maareeye.

Ugu dambeyntii Wasiirku waxaa uu sheegay in ay wadaan in alaabaha Soomaaliya loo iib geeyo suuqyada caalamka halka maanta Soomaaliya wax loo soo iibgeeyo.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya