4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Mudaneyaasha Golaha shacabka oo ansixiyay hab-maamuuska xeerka lagu aasaasay Baarlamanka midowga Afrika

Isniin, May, 07, 2018 (HOL) - Kulanka golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir goddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/ramaan ayaa lagu ansixiyey hab maamuuska xeerka lagu aasaasay Baarlamaannada Midawga Africa, kaas oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

141-Mudane ayaa ogolaatay xeerkan, waxaana ka aamusay 3-Xildhibaan, sidaas ayuuna ku meel maray, sida gudoonka golaha shacabku sheegeen.

Xeerkan ayaa waxaa shalay ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ka dib markii uu horgeeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya