4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
DAAWO: Madaxweynaha Jubbaland: Dowladdu dhex-dhexaad kama ahan arimaha Khaliijka
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen madax ka tirsan Jubbaland, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

Soo dhaweynta maanta oo ahayd mid ka badalan kuwii hore, ayaa waxaa garoonka isugu tagay boqollaal qof oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaa oo sitay boorar ay ku xardhanaayeen sawirrada madaxweynaha Jubbaland, astaanta qaranka iyo calanka dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Max'ed Islaam oo soo dhaweyn kadib shir jaraa'id ku qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay kamid yihiin xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Jubbaland, arrinta fatahaadaha, khilaafka dalalka Khaliijka iyo arimo kale.

Halkan ka daawo shirka jaraa'id ee Madaxweynaha Jubbaland

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.