4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Dagaalo ka dhacay degaano kala duwan oo khasaare geystey Koonfurta Laascaanood iyo Bariga Buuhoodle

Isniin, May, 07 ,2018 (HOL)- Isniin, Ma Sadex qof ayaa dhaawmay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas ku fureen habeenimadii xalay xili ay meel maqaaxi ah fadhiyeen tuulada Daba-Taag oo 47KM galbeedka kaga began magaalada Laascaanood.

Dhaawaca dadkan oo qaarkood uu aad u culus yahay ayaa la sheegayaa in uu cawaaqib xumo sababi karo iyadoo mudo bilo ah laga joogo heshiis la dhex dhigay labada beelood ee degaankaas wada degaalamay.

"Odayaasha degaanka ayaa illaa xalay iska xilsaaray in ay xakameeyaan dadkii dadkooda la waxyeeleeyey, illaa hada inta aan ogahayna wax dhib ah oo dhacay ma jiraan dadkii dhaawaca ahaana waxaa lagu daaweynayaa Laascaanood" sidaa waxa HOL u sheegay Maxamuud Axmed Maxmed  Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool.

Dhinaca kale,hal qof ayaa ku dhintay laba kalana weey ku dhaawaxmeen Baliga Dan-Magawshe oo u dhow Tuulada Banyaala oo dhacda bariga Buuhoodle.

Dagaalkan ayaa dhexmaray sida ay dad tuulada joogey HOL u sheegeen laba ciidan oo kala taabacsan maamlka Puntland iyo Somaliland .

Waxgaradka degaanka Widhwidh ayaa xakameeyey in aanay xiisadani sii socon sida uu Cabdilaahi Maxamed noo cadeeyey,