3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Jaaliyadda Soomaalida Sweden ayaa deeq gaarsiiyay dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaaddii Baladweyne
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) -Tan iyo Markii ay soo if'bax Saameynta Fatahaada Wabiga Shabelle ee magaalada Beledweyne islamarkaana Qoysas badan ay ka barakaceen Daadadka ayaa waxaa dhinac socotay Gargaaro kala gadisan oo Dadka uga imaanayay Dowlada, Shirkadaha Ganacsiga iyo Jaaliyada Dibada.

Jaaliyadda soomaaliyeed ee Dalka Sweden gaar ahaan Magalada Linkoping ayaa waxeey deeq gargaar Lacageed ah soo gaarsiiyeen Dadka ku barakacay Magalada Beledweyne ee ku sugan deegaanka Ceel-Jaale.

Dadka Deqdan Lacageed Ka faa'ideystay oo kor u dhaafayo ilaa 70 ruux  ayaa iskugu jiray Rag iyo Dumar, Waayeel iyo dad kale oo naafo ah, waxaana qofkiiba la siiyay lacag dhan 50 dollar.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Linkoping ee Wadanka Sweden ayaa waxaa ay deeqdan Lacageed usoo wakiisheen Guddiga uu Madax u yahay Xaaji Maxamed Macallin Sultaan oo isagu dadkaasi Lacagta gargaarka ah u qeybiyay.

Gudigan oo Hiiraan Online la soo xariiray ayaa sheegay in Xaaladda Dadku ay tahay mid aad u liidato Dhinaca Nolosha Xaqiiqdiina ay gaarsiiyeen Dadka ugu jilicsan lacagtan deeqda ah balse wali ay taagantahay Baahiyahay ay qabaan Dadka, waxayna baaq Guud u diray dhamaan Umada soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gargaarka Shacabkan Dhiban.

Dhammaan Dadkii ay gaartay Lacagtan oo ahaa dad danyar ah ayaa u mahad celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Linkoping ee Dalka Sweden iyagoo ugu duceeyay in Ilaah badalkeeda uu siiyo. 

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya













Click here
5/7/2018 11:37 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) – Shirweynahan oo wada jir ay isaga kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adda Qaramada Midoobey sida UNDP iyo FOA ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin ka hortaga xaalufinta dhirta, Dhoofinta iyo ganacsiga dhuxusho oo marar badan oo hore digniinno laga soo saaray.

5/7/2018 11:08 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL)–Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada looga arrimiyo dalka Jabuuti waxaa uu ku qaabilay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

5/7/2018 10:35 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) - Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xariga ka jaray Xafiiskan Shirkada TOYOTA ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qayb ka tahay maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya.

5/7/2018 10:06 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) - Kulanka golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir goddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/ramaan ayaa lagu ansixiyey hab maamuuska xeerka lagu aasaasay Baarlamaannada Midawga Africa, kaas oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

5/7/2018 9:49 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen madaxda ka tirsan Jubbaland, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

5/7/2018 8:18 AM EST
Isniin, May, 07 ,2018 (HOL)- Isniin, Ma Sadex qof ayaa dhaawmay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas ku fureen habeenimadii xalay xili ay meel maqaaxi ah fadhiyeen tuulada Daba-Taag oo 47KM galbeedka kaga began magaalada Laascaanood.

5/7/2018 7:57 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) -Wafdi uu horkacayo madaxa xukuumadda Gal-mudug Sheekh Max’ed Shaakir ayaa gaaray Dagmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

5/7/2018 7:52 AM EST
Isniin, May, 07 ,2018 (HOL) – Abwaano Niciimo Qorane oo muddo afar bilood ah ku xidhnayd xabsiga ayaa maanta lagu siidaayey cafis madaxweyne.

5/7/2018 6:56 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno kale oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maanta ay u ambabaxaan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

5/7/2018 6:49 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) -Kulankan ayaa markii ugu horreysay waxaa shir guddoomin doona Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan la doortay.

5/7/2018 3:45 AM EST
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) - Todob askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ayaa dhintay laba kala dhac halis ah ayaa soo gaaray ka dib markii miino duugan uu dul maray gaari ay wateen.