4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Raysul wasaare Khayre oo lagu wado in uu gaaro magaalada Hobyo
Isniin, May, 07, 2018 (HOL) -Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno kale oo uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maanta ay u ambabaxaan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirro iyo qaar ka mid ah Safiirradda Beesha Caalamka.

Ujeedka Safarka ee Ra'iisul wasaaraha ayaa ah in uu xariga ka jaro  dhismaha Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib-udhis lagu sameeyay, iyo sidoo kale mashaariic hor leh oo halkaasi laga fulinayo waxaana Wafdigu ay kormeer ku tagi doonaan Dekedda Degmada Hobyo oo iyadana la rajeynayo in la dhisi doono.

Guddiga u xilsaaran dhismaha Wadadan iyo Xubno ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay tagitaanka Hobyo ee Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Si kastaba Wadadan lasoo gabogabeeyay dhismaheeda ee isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa waxaa dhismaheeda lahaa Bulshadda kunool Gobolka Mudug, waxuuna Socday dhismahan mudo ka badan Sanad.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya