4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Mudaneyaasha Golaha Shacabka ayaa ka doodi doona Hab maamuuska xeerka lagu aasaasay Midowga Afrika

Isniin, May, 07, 2018 (HOL) -Kulankan ayaa markii ugu horreysay waxaa shir guddoomin doona Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan la doortay.

Ajendaha Kulanka ayaa ah ka doodista Hab-maamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika, Waxaana Horay xeerkan Maanlitii shalay u soo ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiirada ee Dowlada Federalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa laga filayaa in ay Xeerkan Maanta Meel mariyaan waxayna arrintani ku soo aadeysaa xilli Maalintii shalay uu Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha Horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.


Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya