4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2018
Todobo askari oo ka tirsan ciidanka Kenya oo ku dhintay miino lagu duugay agagaarka deegaanka Dhoobleey

Isniin, May, 07, 2018 (HOL) - Todob askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ayaa dhintay laba kala dhac halis ah ayaa soo gaaray ka dib markii miino duugan uu dul maray gaari ay wateen.

Gaarigaan miinada lala eegtay  ayaa wuxuu marayey agagaarka magaalada Dhoobleey ee dhank dalka Kenya. 

Askari Soomaaliyeed oo ka gaabsada in magaciisa la sheego ayaa sheegay in arkay todob askari oo Kenyaan ah meydkooda iyo waliba laba si xun u dhaawacmay.

Dad ku dhawaa halkaa uu qaraxaas ka dhacay ayaa ku timaamay qarax aad u xoog badan oo dhawaqiisa meel fog laga maqlay.

Kooxda al-Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dalka Kenya ayaa la rumeysanyahay in ka dambeeyaan miinadaan dhulka lagu aasay ee loo yaqaano IDE.