4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2018
Golaha degaanka degmada Laascaanood ayaa ka horyimi wareegto uu soo saaray Wasiirka Hawlaha Guud

Axad, May, 06 ,2018  (HOL) Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha degaanka Laascaanood ayaa ka soo horjeystay wareegto Wasiirka Hawlaha Guud uu ku joojiyey bixinta dhulka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Kulankan oo ay joogeen 15 Xildhibaan ayaa isku raacay in wareegtada Wasiirku ay tahay mid sharciga baalmarsan, waxana ay hadalkooda ku dareen in Hawlaha Guud  xidhiidh iyo wadashaqayn ka dhexayso.

"Waxaa Joogey goobta 15 Xildhibaan, Maayirka iyo xildhibaanada kalena ee maqani waa mid aan ka midaysan nahay oo shaqo ayay ku maqnaayeen, qaarna fasax ayay jiraan" sidaa waxaa HOL u sheegayXildhibaan Sekeriye Aadan Muuse.

Xildhibaanada Qaarkood oo saxaafada la hadlaayey ayaa hawshan ku eedeeyey masuuliyiinta xukuumada oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Sool.

Arintan khilaafaadka ayaa soo bilaabantay dhamaadkii bishii aan soo dhaafnay, oo muran soo kala dhexgalay Masuuliyiinta dawlada Hooseee Laascaanood siiba Duqa iyo xoghayaha taas oo sababtay in wasiirka Hawlaha Guud C/rashiid Ducaale Qanbi uu soo dhexgalo, waxaase muuqata in aanay jirin xal arintaas laga gaadhey.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood  G. Sool