4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Xisbiga WADDANI oo ka hor yimid in wax laga bedelo maalinta la dabaaldegayo 18 May


Axad, May, 06 ,2018  (HOL) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa qaadacay in hore loo soo raro dabaaldega 18 May oo xukuumadda Somaliland hore usoo rartay bisha Ramadan darteed.

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in 18 MAY dabaaldegeedii loo soo raray 15 May, maadaama oo ay ku beegan tahay maalinta labaad ee bisha barakaysan ee  Ramadaan, isla markaaana iyadoo Ramadaan lagu jiro aan dabaaldegyo la samayn karin, haseyeeshee xisbiga WADANI waxa uu sheegay in aanay iyagu arrintaasi la qabin oo ay xusi doonaan 18 may maalinteedda, iyadoo taageerayeesheeda guddo iyo dibadda joogaba  u sheegay in 18 May maalinteedda la xusi doono.

“Xukuumadu waxay bedeshay 18 May dee maalintu isma bedesho arrintaasi waa ayaan daro weyn, 15 May ma noqon karto 18 May, waxa bilaha kale inaga xaaraan ah ayaa bisha ramadaan inaga xaaraan ah sabab dib loogu soo rara meesha ma taallo, anagu uma aragno in 18 may macaasi  la sameeyo, waan ka soo horjeedna,  18 may waa inay dadku ku farxaan guushii maalintaasi la gaadhay, oo dadkuna isla xisaabtamo oo la is waydiiyo 27-kaasi sanno maxa inoo qabsoomay, marka in xukuumadu tidhaahdo ramaan darteed baanu 18 may uga dhignay 15 may wax saxsan maaha, hawlna ramadaan darteed looma joojiyo oo rasuulkuba dagaaladii u badnaa Ramadaan buu gallay, anagu 18 May waanu xusayna maalinteedda”ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Khadar Xuseen Cabdi

Sidoo kale Xoghayaha guud waxa uu sheegay in daraasad ka samayn doonaan 27 sanno waxa inoo qabsoomay iyo sababta dib u dhigay in Somaliland la ictiraafo, waxaanu tilmaamay in aqoonyahano aan xisbiga ahayn oo madax banaan ku casuumi doonaan qiimentaa waxa khaldan si loo saxo.

Waa markii ugu horeysay ee la siyaasadeeyo 18 May goorta la xusayo, waxaana xukuumada iyo xisbiga mucaaradku ku kala duwan yahay goorta la xusayo 18 May oo shacabka Somaliland u ah maalin ku weyn, taas oo loo sameeyo dabaaldegyo waaweyn oo guddo iyo dibadba ah.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.