4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
Deeq la gaarsiiyay shacabka ay fatahaaddu saameeysay ee qeybo ka tirsan gobolka Gedo
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -
Wafdigan oo uu horkacayay raysul wasaare kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Max’ed Guuleed ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere, waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka gedo iyo kan degmada Baardheere iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Raysul wasaare ku xigeenka oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan labada gole ayaa booqday xaafado ka tirsan magaalada Baardheere oo ay saameeyeen fatahaaddii webiga Jubba uu ka geeystay degmadaasi.

Masuuliyiintan ayaa maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Baardheere ku wareejiyay deeq loogu talo galay dadka ay fatahaaddu saameeysay, taa oo ka koobneyd  Teendhooyin, Mara kaneecooyin iyo agab kale oo loogu talo galay goobaha ay fatahaadaha iyo daadadku ka dhacaan.
Raysul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay gurmadka ay dowladdu dooneeyso in ay ku caawiso dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee ku nool qeybo ka tirsan gobollada dalka.

Wafdiga ayaa sidoo kale gaaray degmada Luuq, halkaa oo ay sidoo kale booqdeen goobaha ay fatahaddii webigu saameeysay, ayagoo deeq loogu talo galay dadka ay fatahaaddu saameysay ku wareejiyay maamulka degmadaasi.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Gedo iyo kan degmooyinka Baardheere iyo Luuq ayaa uga mahadceliyay dowladda kaalmada deg-degga ah ee ay soo gaarsiisay, ayagoo sheegay in shacabku u baahanyihiin kaalmo intan ka badan in lala soo gaaro.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.