4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2018
GoleLoogu Magacdaray Golaha Soo Celinta Demoqraadiyadda Jubbaland Oo Muqdisho looga dhowaaqay
Axad, May, 06, 2018 (HOL) -Munaasbaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay siyaasiyiinta, odoyaal dhaqameed, dhalinyaro iyo haween, ayadoo munaasbad looga dhawaaqay Goleloogu magacdaray “Golaha soo celinta dimuqraadiyadda dowlad goboleedka Jubbaland” kaa oo uu hogaamin doono wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.


Marti sharaftii ka hadashay munaasbadda ayaa soo dhaweeyay Golahan cusub ee lagu dhawaaqay, ayagoo sheegay in ay rajeynayaa in uu la iman doono isbadal.

Mudane Ciilmooge ayaa hore u shaaciyay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland, isagoo xaflado kala duwan oo uu ugu ololeynayo musharaxnimadiisa ku qabtay Muqdisho iyo dalal kale oo caalamka ah.

Hoos ka aqriso War-saxaafadeed Golaha:


Maanta oo ay taariikdu tahay Axad 6dii May 2018, aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca saaxiibaday, magaca wakiillada bulshada reer Jubaland ee ku sugan madashan iyo magaca gebi ahaan umadda ku dhaqan saddexda gobol ee Jubaland; oo aanu maanta ku suganahay magaalo-madaxda ee Dalka ee”Muqdisho” waxaan kaga dhawaaqayaa curashada is-bahaysi Gudi- Siyaasadeed oo lagu magacaabo Gudiga Dib-usoonoolaynta Diimuqraadiyada ee Jubaland (ama JDRC- Jubbaland Democracy Restoration Committee).Isbahaysigan JDRC maahan mid meel cidla ah ka curtay, mana ahan mid si dhayal ah ku dhismay. 10 bilood oo shaqo & wada-tashi badan iyo kulamo taxane ah kadib ayaa indheer-garadka Jubaland waxaa ku dhex-maray meelo badan oo kamid ah dunida shirar lagu lafagurayay sidee qaab ka badalan ka hadda jira Jubbland loogu horseedaa.  Annaga oo ka danqanay xaaladaha qallafsan oo ay ku sugan yihiin dadkayaga ku dhaqan gobollada Jubaland, waxaanu kulamadaas ku gorfeeney xaaladda siyaasadeed, midda amni iyo midda dhaqan-dhaqaale oo ay ku sugan yihiin dad-waynaha ku nool saddexda gobol ee Jubaland.
 
Dadkaas uu kulamadu dhexmareen&wada-tashigu, waxay ahaayeen indheer-garadkii, labeentii daljooga &qurba-joogtii u dhashay gobolladan saddexda ah. Iyaga oo si toos ah ula xiriiray saraakiisha, askarta, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka, culimaa-udiinka iyo isimada ku sugan degmooyinka kala duwan ee Jubaland, waxay wax-badan ka wada-xaajoodeen kana arinsadeen sidii looga bixi lahaa dhibaatada siyaasadeed oo ragaadisey noloshii bulshada. Dood iyo talooyin lays-dhaafsaday ayaa waxaa ka soo baxay fikrado laysla qaatay oo lagu doonayo in looga gudbo caqabadaha nolosha ee hor-taagan dad-waynaha reer Jubaland. Taas oo ku soo ururtey in la dhiso is-bahaysi siyaasadeed oo codkooda mideeya dabadeedna gaarsiiya maxfallada caalamiga ah iyo kuwa degaanka oo looga hadlayo siyaasadda Soomaaliya.
 
Sida aanu ogsoon-nahay, Jubaland waxaa ka dhisan maamul-goboleed hoos yimaada dowladda dhexe ee federaalka ah. Waa maamulkii II-aad ee ka dhisma Soomaaliya muddadii ay bur-burtay dowladdii dhexe. Muddada Lixda sano ah oo maamulku dhisnaa, wax ka dhinma mooyee gobollada waxba uma soo kordhin. Sidaa darteed  Is-bahaysiganu wuxuu ka yimid wax-garadkii gobollada saddexda ah ee Jubaland. Waa mid u yimid tabashada iyo baahida badan oo dad-waynaha reer Jubaland ay u qabaan in ay helaan dad u hadla dhibaatada ka haysata nolosha oo maamulku uu sabab u yahay. Waana mid u yimid u-adeegga dhamaan dad-waynaha Jubaland. Waa urur-siyaasadeed mucaarad ah oo wax dhisaya, isla-markaasna xoojinaya hannaanka dowladnimo ee Jubaland, isaga oo is garab-taagaya dowladda dhexe ee Soomaaliya. Is-bahaysigu wuxuu leeyahay ajeendo cad iyo ujeeddo cad oo uu doonayo in uu ku badbaadiyo dowladnimada Jubaland taas oo gacan ka gaysanaysa geedisocodka/horumarinta dawladii dhexe ee Somaaliyeed.
 
Markii dagaalka sokeeye ka dhacay Soomaaliya, Jubaland waxay soo dhoweysey dad badan oo ku soo qaxay. Laakiin soo dhoweyntaas, dadkii deegaanku hiil kuma ayan helin, balse waxaa degaanka ka dhacay colaaddii ugu xumayd oo dadka Soomaaliyeed ee rayidka ah soomarta. Taasi waxay sababtay in dhaawacii ugu xumaa oo dagaalkaasi inuu ka dhaco Jubaland. Dhibaatadaas oo jiitamaysay illaa maamulka Jubaland uuka curto.  Dadka ku dhintay& hantida ku luntay, ma-jiro maamul-goboleedyada degaankan lamid ah oo dhaawac intaas le´eg uu ka soo gaaray. Wixii mood iyo nool ahaa oo Soomaali kaga lumay gobollada Jubaland, maahan kuwo fasiraad iyo qeexid u baahan. Sidaas ayay wax-garad isugu jira Soomaali iyo shisheeye, waxay ku sheegeen nabadda ka imanaysa degaankan in ay tahay mid Soomaali ugu fadhida qiimo gaar ah.
 
Isbahaysiga JDRC ee soo celinta Dimoqraadiyadda, waa isbahaysi u curtay, bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaankaas in uu ka samata-bixiyo dhibaatada curyaamisey noloshooda. Bulshadaas oo la ogsoon yahay in ay ka kooban tahay beelaha Soomaaliyeed ee 4,5-ka ah, waa dad nabadda jecel, kuna wada-noolaa nabad muddo badan. Qof kasta oo Soomaali ah oo degaankooda ku soo guura, waxay kula dhaqmi jireen nabad&soodhawyn. Markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalkayaga, Jubaland waxay ahayd meesha sida ba´an ay Dagaal-Oogayaashu ugu gumaadeen maatadii Soomaaliyeed. Qeexid iyo fasiraad badan uma baahna, guud ahaan wixii degaanadaas kulumay colaadda sokeeye ee mood iyo noolba leh, oo dad iyo duunyo leh, oo warshado iyo dowladnimo leh.
 
Iyada oo Soomaaliya gebi ahaanba ay tahay dal hodan ah, ayaa Jubaland ay ka hodansan tahay gobollada dalka ee dhiggeeda ah. Dadka degaanadan ku nool waxay kulansadeen dhaqankii xoolo-raacatada, kii beeralayda iyo kii kalluumeysiga. Webiga Juba oo loogu magac-daray maamul-goboleedka ayaa biyihiisu waxay yihiin kuwo isu-mara saddexda gobol oo maamulku ka kooban yahay. Webigaas oo dhererkiisu uu 1000 km ka badan yahay, ayaanan biyihiisu goin afarta xilli ee sanadka.  Wabiga Jubba biyihiisa waxay ka soo bilowdaan xuduudda Eithiopia 2da wabi ee-Dawa& Ganale Dorya meeshay ay ku kulmaan waxayna ku dhamaadaan bad-waynta Hindiya. Saddexda gobol ayuu isku-si u maraa. Jubaland waa degaan uu maro dhul-baraha (Equator). Wuxuu la wadaagaa gobollada Soomaaliya hodantooyada xoolaha, beeraha, macdanta iyo kalluunka. Gobolku wuxuu leeyahay dekad iyo garoon dayuuradeed oo caalami ah iyo kastamo xuduudeed 2da dawladood ee dariska la ah sida (Kenya&Eithiopia).
 
Gobolku wuxuu leeyahay xeeb dhererkeedu yahay dhowr boqol oo km. Gobolku wuxuu xuduud la leeyahay labada dowladood oo degaanka ugu dhaqaalaha badan. Gobolku wuxuu leeyahay ganacsato hanti badan ku heysta labadaas dal ee deriska ah. Gobolku wuxuu leeyahay aqoon-yahanno badan oo qurbaha kaga maqan, kuwaas oo tiro iyo tayo ku jooga waddamada ay martida u yihiin. Gobolka waxaa ka socdey mashaariic dhaqaale kuwii ugu xoogganaa intuusan dagaalka sokeeye kadhicn dalka. Mashaariicdaas waxaa kamid ahaa mashruucii: Sokorta ee Mareerey, Beerihii Bariiska ee Mugaambo, Wershaddii Kartoonka ee INKAS, warshaddii Hilibka ee Kismaayo, Warshaddii hargaha iyo Saamaha, Wershaddii Kalluunka IKK. Ilbaxnimo iyo hodantooyo uu gobolku dheeraa gobollada kale ayaa waxay siisey fahamka nabadda iyo wada-noolaanshaha dhaqanka u ahaan jiray dadkii gobolladan ku noolaan jiray.
 
Wax-garad badan oo Soomaali iyo shisheeye leh ayay u qiimeysan tahay dhibaatadii ka dhacday degaanka iyo magacyada ay leeyihiin raggii geystey, waxaa kale oo u qiimeysan ahmiyadda ay Soomaalia u leedahay nabadda ka imanaysa degaanka Jubaland. Saddexdan gobol waxaa lagu tilmaamaa in ay fure u yihiin nabad guud ee ka dhalata Soomaaliya. Waxay fure u yihiin koboca kaabayaasha dhaqaalaha oo ka hana-qaada Soomaaliya. Waxay fure u yihiin ganacsi qaan-gaar ah oo Soomaaliya ay la yeelato caalamka. Sidaa darteed, Jubaland waa degaan ka fil-wayn in lagu maamulo nadaam jabhadeed iyo hannaan keli-talis ah.
 
Reer Jubaland waa bulsho ka garaad-sareysa in noloshooda laga maamulo degmo-qura, waa ay ka garaad-sareyaan in ay maamusho koox qura, waana ay ka garaad sareysaa in lagu maamulo keli-talisnimo. Reer Jubaland waa bulsho u diyaar ah in ay ka qayb-qaataan geedi-socodka siyaasadeed iyo halganka adag oo Soomaalidu ay ugu jiraan in ay dib ugu soo ceshadaan dowladnimadii ka bur-burtay. Waxaa la gaaray xilli Soomaali ay ka soo kabanayso dhibaatooyinkii badnaa ee laga dhaxlay dagaalka sokeeye. Waxaa muuqda maamul-goboleedyo ka dhismay gobolladii dalka, kuwaas oo kharaj iyo wakhti badani ay ku baxeen. Waxaa u dhintey dhallinyaro badan qaarna way u dhaawacmeen. Waxaa dhismay dowlad dhexe oo hab doorasho ah xilka leysugu wareejiyay. Waxaa muuqata rajadii beesha caalamka ay Soomaaliya ku xasilineysey oo sii kordheysa. Iyada oo lala jaanqaadayo xaaladahaas degaanka ka jira, waxaa nidaamka Jubaland laga filayay in dhankeeda ay iska abaabusho oo ururiso bulshadeeda. Waxaa laga filayay in maamulku uu xoojiyo nabadeynta guud, xoraynta dhulka iyo xoojinta xiriirka bulshadeed, si ay degaanadooda uga nadiifiyaan kooxaha xag-jirka ah. Waxaa la filayay in dalka uu ka bilowdo mashaariic horumarineed iyo shaqa abuur.
 
Jubaland iyada oo dooneysa in ayan ka harin geedi-socodkaas, waxay si gaar ah ugu baahi qabtaa in ay hesho nabad iyo siyaasad xasillooni leh. Lix sano oo laga soo wareegey dhismihii maamulka Jubaland dabadeed, waxaa la filayay in dadwaynuhu helaan mashaariic dhaqaale iyo shaqa-abuur. Waxaa la filayay in maamulku uu kuf fido degmooyinka gobollada. Waxaa la filayay in cudud loo noqdo dowladda dhexe oo la xoojiyo is-kaashiga. Waxaa la filayay Maamul-wanaag. Waxaa la filayay mu´asasaad dowladeed oo ka curta gobolada Maamulkan.
 
Waxaa nasiib-darro noqotay in maamulkii uu gacanta u galay koox Urur-diimeed ah oo ka arradan hoggaan dowladnimo&khibrad diblumaasiyadeed. Waxaa ku weheliya koox wax magarato ah oon xirfad ku iman oo lagu adeegto. Nadaamku wuxuu la dirirey wax-garadkii Jubaland. Madax-wayne Axmed Maxamed Islaan, wuxuu dhibsaday wax-kasta oo naqdi ku ah khaladaadka uu sameynayo. Wuxuu xilalkii ay hayeen ka eryay xildhibaanno barlamaanka ku matalayay beelihii soo doortey, raggaas oo iyaguba u doortey xilka uu isagu hayo. Wuxuu magaalada Kismaayo ka musaafuriyay isimo, siyaasiyiin iyo wax-garad u dhashay degaanka. Nadaamku wuxuu dan-moodey siyaasadda xilligeedii la soo dhaafay ee ku dhisan jajuubka iyo caburinta. Wuxuu hor-joogsaday siyaasadda war-baahinta xorta ah. Wuxuu diidey in laga hadlo siyaasadda caqabadaha ku ah dowladnimada Jubaland iyadoo uu xirxiray wariye-yaal.
 
Iyadoo la ogsoon yahay aqoon-yahannada iyo siyaasiyiinta u dhashay JBLND inaysan ku yarayn, khibrad iyo aqoontuba ayaa waxay is-tusiyeen in Jubaland oo ah maamul-goboleedkii labaad ee ka curtay Soomaaliya, in uusan mudnayn dhaqanka caynkaas ah. Kawaadirtu waxay kulamo badan ku qaateen dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Waxay dhibsadeen, maamulkii laga filayay in uu cudud u noqdo dowladda dhexe si uu uga fududeeyo culaabta saaran. Waxaa dhacday in maamulkii uu dib u gurto oo uu ka badin waayo dhuxul la dhoofiyo, qaraabasho iyo cashuur xaaraan ah oo laga qaato dadka degaanka oo diiwangalin lahayn iyo sharciyad.
 
Sida ay noloshu ina bartay, guul laguma gaaro waddo inta horey loo qaaday lagu guul daraystay. Gudcurkana loogama baxo saacado badan oo la dhex-fadhiyo ee waxaa looga baxaa shumac ama faynuus la shito. Fahamka caynkaas ah, waa in aanu bulshadeena uga fogeynaa waddadii aanu ku dhibaatooney sanooyinkii na soo maray. Waa in aanu qaadnaa waddo ay mahadiyaan maatada reer Jubaland, kuwa jooga iyo kuwa dhalan doona; Soomaalina ay nagaga daydaan. Waddo aanu ku xasilineyno nolol aayatiin wacan
 
Haddaba si looga baxo fashilaadda siyaasadeed, fashilaadda dhaqaale iyo fashilaadda amni-daro; Si looga baxo ciriiriga maamulka degmada qura ku soo ururey. Si looga baxo cabashada badan ee ka imanaya dad-waynaha cabsida ku nool ee ku dhaqan Jubaland. Si dad-waynaha Jubaland ay u gutaan kaalintooda ku aaddan waajibka ka saaran qaranka iyo isu-soo celintii quluubta umadda Soomaaliyeed, JDRC iyo aqoon-yahannada reer Jubaland ee is urursaday waxay isku af-garteen dhismo is-bahaysi soo celiya hannaankii siyaasadeed ee dimoqraadiyadda iyo dawlad-wanaaga ku dhisan, kaas oo ah hannaankii lagu ballamay oo beelihii shiray ay dhisteen barlamaan xor ah oo madax-banaan, Gole-wasiiro oo madax-banaan iyo Cadaalad madax-banaan oo aan shakhsi hoos iman oo Islaxisaabtan gundhig uyahay.  Is-bahaysigan JDRC wuxuu isku af-gartay axdi hor-dhac ah oo ku shaqaynaya muddada ka harsan doorashada 15-8-2019-ka dhacaysa Maamulka Jubbaland- Axdigaasi wuxuu uqoran yahay sidan:
 
 In is-bahaysigu (JDRC) uu noqdo urur siyaasadeed urur si guud u matala uguna hadla dad-waynaha JubalandMuddadaas ka dhiman doorashada, is-bahaysigu (JDRC)in uu ka shaqeeyo wacyi-gelinta iyo Baraarujinta dad-waynaha dhaqanJubaland ee laxiriirta Doorashooyinka nasoo-fooleh 2019.
 
In Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka lala wadaaago xaaladaha guracan, maamu-xumadda iyo dulmiga lagu hayo dadka reer Jubaland.
 
Sida lagu ballamay, 15-8-2019-ka, in Jubaland ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.
 
   In laga sii shaqeeyo cimilad xasilloon oo munaasib ku ah qabashada doorasho xor ah oo xalaal ah
 
     In beeluhu ay si buuxda u helaan madax-bannaani ay ku soo doortaan xubnaha u matalaya kuraasta barlamaanka; loogana ilaaliyo kutakrifal awoodeedama cadaadis dhaqanka uu ku sameeyo Maamulka hadda jira ee Jubbaland.



Hiigsiga (Manifesto) JDRC –Haaduu ku Guulaysto 2019
   

     Saraynta Sharciga iyo uhogaansanaanta Distruurka Dalka&kan Maamulka Jubbland
     Kaxoraynta cadowga Alshabaab dhamaan dhulka uu kaga sugan yahay Maamulka JBLD.
     Nabadaynta iyo dibu-heshiisiinta bulshada kunool deegaanka JBLD
     Wax-wada Yeelsho- si loo hello wax-wada difaacasho
     Wadashaqayn dhaw oo lala yeesho dawlada dhexe; si dalku horay ugu socdo.
     Dhisida ciidan midaysan oo oo dadka deegaanka JBLD iska wada-dhex arkaan.
     Dib-uhawlgalinta warshadaha, si loo kobciyo loona hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha 
     maamulka JBLD. Sida (Mareereey, Mugambe, Hilibkaa, Kaluunka, Hargaha, Mooska).

     Sharciyaynta dhulka si loo dhiirigaliyo maalgashiga Dib&Gudaha Dalka.
     Dawlad-wanaag lagu soo dabaalo Maamulka Jubbaland Si Systemku Islaxisaabtanka(check& balances) hay’adaha dawligu sida: Baarlamaan, Xukuumad iyo Cadaalad madax-banaan maamulka JBLD Uyeesho.

      




C/salaam Nuur Diiriye, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.